Rasmi: Filimka Simmba iyo mudo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay wuxuu dhaafay Chennai Express

Filimka Simmba ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 60.75 Crore (Trade Figure) inkastoo 60% hoos u dhac uu sameeyay marka lala bar bar dhigo ganacsigiisa todobaadka kowaad haddana filim Action ah oo sidaan u gadmaayo waxay ka dhigan tahay in daawadayaasha ka wada heleen.

Simmba wuxuu noqday taariikh ahaan filimka 9-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa labaad waana guul weyn oo Ranveer Singh usoo hoyotay.

Filimka Simmba ayaa mudo labo todobaad ah soo xareeyay wadarta guud 211 Crore (Trade Figure) wuxuuna Mumbai kaliya kasoo xareeya 75 Crore waxaana xusid mudan haddii uu sidaan kusii socdo inuu 250 Crore gaari karo balse culeeska wuxuu kaga imaanaa filimada Jimcadan masraxa ku cusub Uri iyo The Accidental Prime Minister inay tiyaatarada la qeebsan doonaan midaasna ay ka dhigan tahay ganacsiga Simmba sida xawliga ah ku socday inuu hoos u dhici doono.

Simmba haatan si rasmi ah wuxuu u noqday Director Rohit Shetty filimkiisa uu sameeyo midka lacagaha lacagaha ugu badan soo xareeyo asigoo dhaafay filimka Chennai Express oo 208 Crore soo xareeyay sanadii 2013. Sidoo kalena wuxuu noqday Ranveer Singh filimkiisa labaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo wuuna ahaan doonaa darajadan madaama uusan gaari karin Padmaavat oo 282 Crore soo xareeyay bilawgii 2018.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Simmba iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 150.26 Crore

Todobaadka labaad – 60.75 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 211.01 Crore (Trade Figure)

Simmba wuxuu dhaafi doonaa ganacsiga uu Padmaavat ka sameeyay Mumbai (78.86 Crore) todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ganacsiga ugu horeyso madaama uu filimkan labo todobaad Mumbai kaga soo xareeyay 75 Crore.

Sidoo kale waxaa jirto rajo aan buurneyn oo ah in Simmba uu gaaro ganacsiga Golmaal Again Mumbai ka sameeyay oo ah 87 Crore haddii uu sidaas sameeyo Simmba wuxuu noqon doonaa filimka 7-aad ee Mumbai lacagaha ugu badan kasoo xareeyo kaliya aflaanta darajo ahaan 300 Crore gaareen ayaa Mumbai kaga lacag badnaan doonaan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.