Rasmi: Filimka Simmba iyo Sabtigiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Director Rohit Shetty iyo Ranveer Singh filimkooda Simmba ayaa mudo 9-maalmood ah kusoo xareeyay 173 Crore (Trade Figure) madaama uu Sabtigiisa labaad keenay 13.25 Crore ilaa 13.50 Crore ganacsi u dhaxeeyo wuxuuna sameeyay 50% sare u kac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay.

Simmba ganacsi weyn wuxuu ka sameenayaa Delhi/UP oo uu ka keenay 36 Crore halka Mumbai uu ku jiro xaalad riyo ah ganacsi ahaan madaama uu 64 Crore kasoo xareeyay waxaana hubaal ah mashruucaan inuu 250 Crore cimri ahaantiisa gaari doono waana guul lixaad ah oo kooxda filimkan Action-ka ah usoo hoyotay.

Fadlan hoos kaga bogo Simmba iyo mudo 9-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 150.50 Crore

Jimco labaad – 9.25 Crore

Sabti labaad – 13.25 Crore

Wadarta Guud – 173 Crore (Trade Figure)

Simmba sidaan ayuuba ku noqday filimka 4-aad ee 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo wuxuuna ka talaabsaday Race 3 oo soo xareeyay 166.15 Crore, haatana wuxuu indhaha ku hayaa Simmba maanta oo Axad ah ganacsiga uu sameeyo inuu kaga talaabsado 2.0 qaybtiisa Af Hindiga ah oo uu soo xareeyay 185.06 Crore.

Balse Simmba marnaba ma gaari karo labada filim 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyeen Sanju oo keenay 334.57 Crore iyo Padmaavat qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday oo uu soo xareeyay 282 Crore.28 Crore waxaana muuqato Simmba in cimri ahaan 250 Crore ku istaagi doono ama waxyar ku darsan doono.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*