Rasmi: Filimka Simmba iyo Talaadadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay 200 Crore wuu ka tilaabsaday

Filimka Simmba ayaa 5-10% hoos u dhac sameeyay Talaadadiisa labaad wuxuuna keenay 5.50 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan inuu darajada 200 Crore ka talaabsaday asigoo filimkan soo xareeyay 201 Crore (Trade Figure) mudo 12-maalmood ah ganacsigiisa gudaha Hindiya.

Sidoo kale Simmba wuxuu ganacsi ahaan dhaafi doonaa Director Rohit Shettt filimadiisa Golmaal Again Golmaal Again (205.50 Crore) iyo Chennai Express (207.69 Crore) ganacsiga ay cimri ahaantooda sameeyeen labada maalmood ee nagu soo fool leh.

Simmba Jimcadan labo filim oo Hindi ah ayaa tiyaatarada ku qabsan doonaan ma ahan labo filim oo siweyn ku furmi karaan balse culeeska ay Simmba saarayaan ayaa ah inay tiyaatarada la qeebsanayaan gaar ahaan tiyaatarada Multiplex waxayna labadaas filim kala yihiin Uri Attack iyo The Accidental Prime Minister.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 12-maalmood ah filimka Simmba lacagaha uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 150.26 Crore

Jimco labaad – 9.25 Crore

Sabti labaad – 13.25 Crore

Axad labaad – 17.50 Crore

Isniin labaad – 6 Crore

Talaado labaad – 5.50 Crore

Todobaadka abaad – 51.50 Crore (Mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 201.76 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.