Rasmi: Filimka Simmba iyo todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay

Ranveer Singh iyo Director Rohit Shetty filimkooda Simmba ayaa soo xareeyay 12.50 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan mudo 17-maalmood ah wadarta guud inuu filimkan Action-ka ah soo xareeyay 223.50 Crore (Trade Figure) wuxuuna weli heestaa fursad uu ganacsi wacan kusii sameyn karo filimkan Blockuster-ka noqday.

Haatan waxaa muuqato in Simmba ku adkaan doonto inuu 250 Crore gaaro cimri ahaantiisa madaama filimka Uri si heer sare ah u gadmaayo asigoo noqday dooqa kowaad ee daawadayaasha haatana qiyaasta xili hore waxay muujinee in Simmba cimri ahaantiisa ku istaagi doono 240 Crore ilaa 245 Crore inta u dhaxeyso.

Simmba waa filimka 10-aad ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan soo xareeyo canshuurta ka dib ama lacagta nadiifka ah sidoo kalena darajadan ayuu kusii jiri doonaa balse marka laga hadlaayo filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen canshuurta hor Simmba haatan kaalinta 14-aad ayuu kaga jiraa balse wuu gaari doonaa kaalinta 10-aad aflaanta lacagaha ugu badan soo xareeyeen canshuurta ka dib.

Fadlan hoos kaga bogo Simmba iyo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 150.26 Crore

Todobaadka labaad – 60.75 Crore

Jimco sedexaad – 2.75 Crore

Sabti sedexaad – 4.50 Crore

Axad sedexaad – 5.25 Crore

Todobaadka sedexaad – 12.50 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 223.51 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*