Rasmi: Filimka Simmba oo ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad

Filimka Simmba oo Ranveer Singh hogaamiye ka yahay ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad wuxuuna keenay 150 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday. Wuxuuna noqday filimka labaad ee 2018 todobaadkiisa kowaad ganacsiga ugu badan sameeyo waxaana ka sareeyo filimka Sanju oo qaanad gaar ah ku jiro madaama uu 200 Crore todobaadkiisa kowaad keenay.

Simmba siweyn ayuu gadmay todobaadkiisa kowaad weliba labadiisa maalmood ugu dambeesay ayadoo fasaxa sanadka cusub dhamaaday ayuu ganacsi adag oo 10 Crore ka bilaabanayo sameenayay taasina waxay xaqiijisay mashruucaan inuu sii gadmi doono haatana yoolkiisa wuxuu yahay 250 Crore ganacsi ahaan inuu gaaro waa cimri ahaantiisa.

Waxaa waali ah Simmba todobaadkiisa kowaad uu Mumbai iyo hareeheeda kasoo xareeyay 55 Crore halka Delhi/UP si heer sare ah uu kaga gadmay wuxuuna ka keenay 31 Crore. Simmba todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay ayuu SUPER HIT ku noqday sidoo kalena darajada BLOCKBUSTER inuu u dalaco ayaa la rajeynaa haddii uu ganacsi adag sameeyo todobaadkiisa labaad.

Fadlan hoos kaga bogo Simmba todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay maalin walbo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 20.50 Crore

Sabti – 23.75 Crore

Axad – 31 Crore

Isniin – 21.50 Crore

Talaado – 26 Crore

Arbaco – 14 Crore

Khamiis – 11.75 Crore

Wadarta Guud – 150.50 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.