Rasmi: Filimka Simmba oo shalay (Talaado) wacdaro taariikhi ah Boxoffice-ka ka dhigay

Simmba shalay waxaan caadi ahayn ayuu tiyaatarada ka dhigay madaama uu 26 Crore (Trade Figure) qiyaas ahaan keenay sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday wuxuuna dhigay wacdaro taariikhi ah asigoo noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo ee maalin Talaado ah la daawado waa haddii aan xisaabta lagu darin Bahubali 2 madaama uusan Bollywood ahayn.

Simmba wuxuu siweyn kaga faa’iideestay fasixii sanadka cusub sidoo kalena sare u kac 20% ayuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Isniintii ganacsiga uu sameeyay taasi oo ka dhigan mashruucaan in wadarta guud mudo shan maalmood ah uu soo xareeyay 122 Crore (Trade Figure).

Waa qasab maanta oo Arbaco ah Simmba ganacsigiisa inuu hoos u dhaco balse uma eko filim hoos u dhac weyn sameenayo madaama daawadayaasha siweyn kaga heleen fariintiisa sidoo kalena shantiisa maalmood ugu horeyso uu ganacsi adag sameeyay.

Fadlan hoos kaga bogo shanta maalmood ugu horeyso filimka Simmba ganacsiga uu sameeyay oo ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 20.50 Crore

Sabti – 23.75 Crore

Axad – 31 Crore

Isniin – 21.50 Crore

Talaado – 26 Crore

Wadarta Guud – 122.75 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.