Mega Star Salman Khan filimkiisa Sultan wuxuu gudaha China ka keenay $0.64m todobaadkiisa labaad wuxuuna sameeyay hoos u dhac aad u weyn oo muujineyso in mashruucan gabi ahaanba reer China iska diideen.
Sultan haatan mudo labo todobaad ah wuxuu China kasoo xareeyay $5.16m waxaana muuqato in ganacsigiisa China ku istaagi doono $5.25m (37.70 Crore) waana filim gudaha China FLOP ka noqday niyad xoogana laga qaaday madaama la isalahaa filimkan dhul weynaha China ganacsi heer sare ah ayuu ka sameyn karaa.
Sultan tiyaatarada la siiyay iyo hadal heynta uu xambaarsanaa waxaa laga rajeenayay inuu $25M ugu yaraan dhul weynaha China kasoo xareeyo balse halkaas wuu ku fashilmay asigoo la mid noqday filimka Toilet Ek Prem Katha iyo Baahubali 2 oo dhul weynaha China laga soo dhaweyn waayay.
Sultan todobaadkiisa ama Jimcadiisa sedexaad waxaa loo qoondeeyay 350 show taasi oo ka dhigan in filimkan ganacsigiisa sii socon doono si dhaqsi ahna uu dhul weynaha China isaga dagi doono asigoo guul dareestay.
Fadlan hoos kaga bogo mudo labo todobaad ah filimka Sultan ganacsiga uu dhul weynaha China ka sameeyay filimkan China FLOP ka noqday:
Todobaadka kowaad – $4.52m
Jimco labaad – $0.1m
Sabti labaad – $0.17m
Axad labaad – $0.14m
Isniin labaad – $0.07m
Talaado labaad – $0.06m
Arbaco labaad – $0.05m
Khamiis labaad – $0.05m
Todobaadka labaad – $0.64m
Wadarta Guud – $5.16m
Asc sxb qaali Zaki hadalkaaga dib u sax Bahubali 2 waa gartay gudaha China lagama so dhaweyn balse Toilet wuxuu China ka noqday Super Hit weyn sido kale wuxuu noqday filimka 5aad ee china ugu lacagta badan marka lagasoo tago Secret Super Star, Hindi Medium, Dangal iyo Bajrangi Bhaijan marka sidee wax u wadaa adiga ayaaba nala wadaagay in China guul wacan ka gaaray Toilet sido kale website walba ayaa ka sheekeeyay mxa qaldan
Masuul sare afarta maalmood ugu horeesay ayuu gadmay kadibna hoos u dhac weyn ayuu sameeyay TEPK sidoo kalena lacago qaali ah ayay kooxda cajaladaha qeybiyaan China ku iibsadeen dibna uma soo celin lacagtiisa sidas ayuu ku noqday mashruuc fashilmay.
asc zakariya sxb maaad nalasocosiisid halka uuu marayo filmka mission impossible 6