Home BOX OFFICE Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga uu sameeyay shalay oo Sabti ahayd

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga uu sameeyay shalay oo Sabti ahayd

 

Inaba caadi ma ahan sare u kaca xoogan uu shalay sameeyay Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 madaama uu keenay 18 Crore (Trade Figure) asigoo sameeyay 50% sare u kac sida shabakada Boxoffice India soo daabacday sidoo kalena kooxda filimkan iska leh dhankooda waxay shaaca ka qaadeen in 18.19 Crore (Producer Figure) uu filimkan soo xareeyay.




Waxaa cajiib ah in filimkan meel walbo sare u kac ka sameeyay min tuulo ilaa magaalo weliba gobolka Rajasthan  oo kale 53 Lakh ayuu maalinta kowaad ka keenay halka maalinta labaad uu ka keenay 72 Lakh waana sare u kac heer sare ah madaama aflaanta fariimaha waaqiciga ah xambaarsan gobolkan inta badan laga jecleyn.

Sidoo kale East Punjab oo kale sare u kac 70% ayuu shalay ka sameeyay waana arin kale oo muujineyso in filimkan talaabsaday sidoo kalena wax weyn laga filan karo sedexdiisa maalmood ugu horeyso. Si gaar ah ganacsiga heerka sare ah wuxuu ka sameeyay filimkan gobolada Koonfureed weliba Nizam / Andhra iyo Mysore HIT dhameestiran ayuu halkaas mudo sedex maalmood kaga noqonaa filimkan waaqiciga ah.

Sida muuqato labada maalmood ugu horeyso Super 30 ganacsigiisa 30 Crore ($4.35m) ayuu ku dhow yahay waxaana muuqato in sedexdiisa maalmood ugu horeyso 50 Crore gaari doono ama ka talaabsan doono waana arin heer sare ah marka loo eego fariinta waaqiciga ah ee uu filimkan xambaarsan yahay wuxuuna noqon doonaa filimka 5-aad ama 6-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo sanadkan 2019 sedexda maalmood ugu horeyso.




Qaabka uu filimka Super 30 ku socdo wuxuu la mid yahay filimkii Toilet Ek Prem Katha ee Akshay Kumar sameeyay 2017 kaasi oo maalintiisa kowaad keenay 11.34 Crore kadibna sedexdiisa maalmood ugu horeyso keenay 49 Crore balse Super 30 ayaa ka fursad wanaagsan oo ay u badan tahay inuu 51 Crore keeni doono sedexdiisa maalmood ugu horeyso madaama Hrithik filimkiisa shalay si waali ah sare u kac xoogan u sameeyay.

Fadlan hoos ka eeg is bar bar lagu sameeyay filimka Super 30 Jimcadii ganacsiga uu gobolada waa weyn ka sameeyay iyo shalay oo Sabti ahayd sare u kaca xoogan uu sameeyay:

Mumbai: jimco (3.71 cr), sabti (5.79 cr)

Delhi/UP: jimco (2.40 cr), sabti (3.85 cr)

East Punjab: jimco (1.02 cr), sabti (1.70 cr)

Rajasthan: jimco (0.53 cr), sabti (0.79 cr)

CP: jimco (0.52 cr), sabti (0.74 cr)

Mysore: jimco (0.74 cr), sabti (1.30 cr)

Bihar: jimco (0.38 cr), sabti (0.49 cr)

Ugu dambeyntii fadlan hoos ka eeg filimka Super 30 iyo labadiisa maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 11.75 Crore

Sabti – 18 Crore

Wadarta Guud – 29.75 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale hoos ka eeg filimka Super 30 iyo labadiisa maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 11.83 Crore

Sabti – 18.19 Crore

Wadarta Guud – 30.02 Crore (Producer Figure)




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...