Rasmi: Filimka Total Dhamaal iyo ganacsiga uu sameeyay todobaadkiisa sedexaad

Superstar Ajay Devgn iyo kooxdiisa filimka Total Dhamaal dhamaan waxaa u suura gashay todobaadkooda sedexaad filimkan inuu ganacsi wacan sameeyo wuxuuna keenay 12 Crore (Trade Figure) sidoo kalena darajada 140 Crore ayuu ka tilaabsaday.

Madaama Total Dhamaal hoos u dhac weyn uusan sameynin todobaadkiisa sedexaad waxay u badan tahay todobaadkiisa afaraad inuu heli doono tiyaatarada ku filan sidoo kalena wey u badan tahay 150 Crore inuu cimri ahaantiisa gaari doono filimkan mada daalada dhameestiran leh.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Total Dhamaal gobolo badan ayuu ganacsigooda la wareegay waana filimkan 2019 lacagaha ugu badan kasoo xareeyay gobolada ay ka mid yihiin CP Berar, CI, Rajasthan, Bihar iyo Gujarat / Saurashtra waana HIT weyn oo Hindiya dhan laga aqbalay.

Fadlan hoos kaga bogo Total Dhamaal iyo ganacsiga uu sameeyay mudo sedex todobaad ah oo ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 92.24 Crore

Todobaadka labaad – 36.13 Crore

Todobaadka sedexaad – 12 Crore

Wadarta Guud – 140.37 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale fadlan hoos ka eeg kooxda Total Dhamaal iska leh iyo lacagaha ay soo daabaceen inuu filimkan soo xareeyay mudo sedex todobaad ah:

Todobaadka kowaad – 94.55 Crore

Todobaadka labaad – 38.05 Crore

Todobaadka sedexaad – 13.11 Crore

Wadarta Guud – 145.71 Crore (Producer Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*