Rasmi: Filimka Total Dhamaal iyo mudo 31-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay

Superstar Ajay Devgn filimkiisa Total Dhamaal maba hakanaayo haatana halkii horey loogu sadaaliyay oo ahayd inuu 150 Crore cimri ahaantiisa soo xareeyo ayuu hiigsanayaa madaama uu keenay 1.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa shanaad sedexda maalmood ugu horeyso.

Filimka Total Dhamaal mudo 31-maalmood ah wadarta guud wuxuu soo xareeyay 148.50 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in ganacsigiisa todobaadyada lixaad iyo todobaad gaari doono xitaa 150 Crore wuu ka tilaabsan doonaa filimkan Big HIT-ka noqday inkastoo IPL ama tartanka horyaalka Cricket-ka Hindiya caqabad ku noqon karo filimkan sii socoshadiisa.

Fadlan hoos kaga bogo Total Dhamaal iyo mudo 31-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 92.24 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 36.13 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 12.27 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 6.68 Crore (rasmi)

Jimco shanaad – 30 Lakh

Sabti shanaad – 40 Lakh

Axad shanaad – 50 Lakh

Todobaadka shanaad – 1.20 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 148.52 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Luka Chuppi oo ay hogaamiyaal ka yihiin Kartik Aaryan iyo Kriti Sanon ayaa keenay 1.80 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa afaraad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuuna wadarta guud soo xareeyay mudo 24-maalmood ah 84 Crore ganacsi qarka u saaran inuu gaaro..

Filimka Lukka Chuppi 85 Crore wuxuu ka talaabsan doonaa dhamaadka todobaadkan ama marka uu dhameesto todobaadkiisa afaraad ee uu tiyaatarada saaran yahay waana filim HIT ah oo dhalinta daawashadiisa ka heleen. Fadlan hoos kaga bogo mudo 22-maalmood ah filimka Luka Chuppi ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 53.10 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 18.56 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 10.45 Crore (rasmi)

Jimco afaraad – 50 Lakh

Sabti afaraad – 65 Lakh

Axad afaraad – 70 Lakh

Todobaadka afaraad – 1.80 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 83.91 Crore (Trade Figure)

2 Comments

  1. Sxb zaki Kesari Axadiisa lacadta u keenay nosoo gudbiya fadlan inkasto 80 Crore qarka u fuulay la sheegay

Comments are closed.