Rasmi: Filimka Uri iyo Isniintiisa 5-aad ganacsiga adag uu sameeyay

Filimka Uri – The Surgical Strike ganacsigiisa maalin laha ee iskoorka ku dheehan ayuu iska wataa wuxuuna Isniintiisa shanaad keenay 1.50 Crore ilaa 1.75 Crore ganacsi u dhaxeeyo, taasi oo ka dhigan in filimkan mudo 32-maalmood uu kusoo xareeyay 214.25 Crore (Trade Figure) lacagta nafiifka ah canshuurta kadib.

Uri – The Surgical Strike wuxuu heestaa fursad la hubo oo uu 225 Crore ku gaari karo sidoo kalena meesha lagama saari karo in filimkan 230 Crore cimri ahaan ganacsigiisa gaaro madaama maalin walbo si adag u gadmaayo mana u muuqdo filim xili dhow tiyaatarada ka dagaayo.

Filimka Uri todobaadkiisa shanaad wuxuu keenaa 18 Crore waana All Time Record asigoo dhaafi doono iskoorka Bahubali 2 oo tdoobaadkiisa shanaad keenay 12.41 Crore sidoo kalena wey u badan tahay iskoorada todobaadyada lixaad iyo todobaad uu heesto filimka Gadar – Ek Prem Katha inuu Uri dhaafi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Uri iyo mudo 32-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 71.23 Crore

Todobaadka labaad – 62.76 Crore

Todobaadka sedexaad -37.06 Crore

Todobaadka afaraad – 29.30 Crore

Jimco shanaad – 2.25 Crore

Sabti shanaad – 4.50 Crore

Axad shanaad – 5.50 Crore

Isniin shanaad – 1.65 Crore

Todobaadka shanaad – 13.90 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 214.25 Crore (Trade Figure)

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*