Rasmi: Filimka Uri iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga adag uu sameeyay

Vicky Kaushal filimkiisa Uri ayaa ganacsi adag sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna soo xareeyay 35 Crore (Trade Figure) wuxuuna ku socdaa hab muujineyso in mashruucaan daawadayaasha siweyn kaga heleen sidoo kalena si la yaab leh ku noqon doono 2019 HIT ugu horeeyo.

Uri wuxuu ganacsi weyn ka sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso Mumbai, Delhi iyo Kolkata sidoo kalena East Punjab wuu ku wanaagsan yahay kaliya wuxuu ku liitaa dhanka Koonfurta waxaana ugu wacan in suuqaas aflaan waa weyn oo reer Koonfur iska leeyihiin siweyn looga daawanayo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Uri – The Surgical Strike iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 8.25 Crore

Sabti – 12.25 Crore

Axad – 14.50 Crore

Wadarta Guud – 35 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka The Accidental Prime Minister ayaa isagana ganacsi wacan sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 12 Crore (Trade Figure) waana ganacsi ku filan lagana rabo laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis inuu filimkan si wacan isku celiyo.

Anupam Kher iyo Akshaye Khanna filimkooda The Accidental Prime Minister waa mid miisaaniyad xadidan xambaarsan haddii uu sidaan kusii sacdo waxay u badan tahay inuu guuleesto balse wax walbo lagama hor dhici karo aan ka wada war sugno todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu sameeyo oo laga cabir qaadan doono haddii uu guuleesan karo filimkan.

Fadlan hoos kaga bogo The Accidental Prime Minister iyo mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 3.50 Crore

Sabti – 4 Crore

Axad – 4.50 Crore

Wadarta Guud – 12 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*