Rasmi: Goormaa La Daawan Doono John Abraham Filimkiisa Romeo Akbar Walter (Raw)

John Abraham oo filimkaan sirdoon ku matali doono wuxuuna ka hawl gali doonaa laga bilaabo 1 June 2018 shaqadiisana mudo 60-maalmood ayay qaadan doontaa.

Filimka Romeo Akbar Walter waxaa director ka ah Robbie Grewal waxaana lagu duubi doonaa Gujarat, Srinagar and Nepal halka ay isla maal galinayaan Dheeraj Wadhwan, Ajay Kapoor, Vanessa Walia and Gary Grewal.

Filimkan sirdoonka iyo qayaanada ah RAW ayaa sheeko ahaan ku xeen daaban xiligii dagaalka Hindiya iyo Pakistan socday 1971 iyo doorkii ay sirdoonka Hindiya ku lahaayeen.

filimkan waxaa doorar muhiim ku leh aktarada kala ah mouni roy, jackie shroff , suchitra krishnamoorthi iyo sikandar kher iyadoo atariishada suchitra ay dib ugu soo laaban doonto bollywood ku dhawaad 9 sano ay ka maqnayd

Romeo Akbar Walter  (Raw ) ayaa si rasmi ah loo daawan doono taariikhda marka ay ku beegan tahay 12 april sanadkan 2019 duubis lagu bilaabi doono dhamaadka sanadkaan gaar ahaan horaanta bisha December 2018

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*