Rasmi: Goos gooska filimka Kesari oo lasoo bandhigay kani waa mid Akshay Kumar kaaga yaabsan doono (+Video)

Inaba caadi ma ahan goos gooska filimka Kesari laga soo bandhigay Superstar Akshay Kumar ayaa siweyn kuu qiiro galin doono doorka adag uu qaatay waana hubaal in mashruucaan Hindiya gil gili doono marka tiyaatarada la saaro 21-ka Maarso 2019.

Kumar filimka Kesari wuxuu ku muujiyay in fariin walbo sameynteeda waxba la ahayn waa hogaamiyaha 21-Siikh ama Punjabi ah oo qarnigii 19-aad la dagaaleen 1000 ciidan oo Afghanistan ah oo garab ka helayaan ciidamada Ingiriiska oo rabeen dhanka Waqooyi Hindiya inay qabsadaan waxaana filimkan lagu soo bandhigaa sheeko dhab ah iyo sida 21-kii Punjabiga ahaa guusha ku qaateen dagaalkii ugu geesisanaa oo ay ebid galaan.

Parineeti Chopra ayaa Akshay Kumar xaaskiisa filimkan ku jileyso balse Kumar wuxuu ka dhigay Kesari filim aan daawashadiisa la sugi karin waayo 3-daqiiqo goos gooska filimkan laga soo bandhigay wuxuu kusoo bandhigay awood dheeraad ah wadaninimo iyo geesinimo ka muuqato.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Durba waxaa la isku raacay Kesari inuu yahay Akshay Kumar filimkiisa ugu weyn tayo ahaan qaabka oo duubay miisaaniyada ku baxday iyo fariinta adag ee uu doortay si sahlan waxaa la dhihi Kumar doorkan uu doortay waligiis kama hari doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Kesari oo maanta Hindiya heysto waxaa Director ka ah Anurag Singh halka Karan Johar iyo shaqsiyaad kale soo saarayaal ka yihiin waxaana la daawan doonaa feestada Holi oo ku beegan 21 Maarso 2019:

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.