Rasmi: Goos gooska kooban (Teaser) filimka Kalank oo lasoo bandhigay inaba caadi ma ahan (+Video)

Filim weyn marka lagu dhawaaqo waa qasab in hadal heyntiisa aad u sareyso marka ay soo dhawaato daawashadiisa sida caadiga ah kaarto ama aragtiyo kowaad ayaa laga soo bandhigaa iyagana waxay abuuraan saameyn kale oo xoogan midda ugu dambeesana waa in filimka weyn goos goos kooban ama mid dhameestiran loo soo bandhigo si aragti looga qaato fariinta uu xambaarsan yahay.

Filimka weyn Kalank dhamaan tijaabooyinka sare ku xusan wuu ka gudbay haatana waxaa lala cajabay goos gooska kooban (Teaser) ee laga soo bandhigay laguna ogaaday filim weyn oo tayo dhameestiran leh wadada inuu kusoo jiro una dheer tahay jaceyl, caadifad iyo kala qeybsanaanta bulshada qeybaheeda kala duwan filimkan lagu soo bandhigaayo.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Kalank waxaa hogaamiyaal ka ah Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur halka Abishek Varman u Director ka yahay waxaa intaas dheer mashruucaan weyn inay maal galiyeen Karan Johar, Sajid Nadiadwala, Hiroo Yash Johar & Apoorva Mehta.

Kalank waxaa la daawan doonaa 17 April 2019 waana filim sheeko ahaan ka hadlaayo 40-maadkii xiliga Hindiya xurnimada qaadanin sida bulshada midda dabaqada sare ay adkeyn inay nolol la wadaagto midda dabadaqa hoose ah filimkan jaceylka iyo sharafka qoyska sida aysan iskula jaan qaadi karin xurnimadii Hindiya ka hor ayaa looga hadlaa.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban (Teaser) filimka Kalank laga soo bandhigay oo aad looga wada helay kadibna fikirkaaga nala wadaag:

Haddii uu Video-ga Toos Kuugu Furmi Waayo Fadlan Tilmaamaha Uu Ku Siinayo Raac Oo Ah Inaad Youtube-ka Toos Kaga Daawatid.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*