Rasmi Heeskii Lawada Sugaayey Main Taare Ee Salman Khan Ku Luuqeyay Ayaa Laga Soo Bandhigay Filmka Notebook (+Video)

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay heeskaMain Taare ee filmka Notebook ee ay hogaamiyaha ka yihiin Pranutan Bahl iyo  Zaheer Iqbal oo labadoodaba kusoo caan baxayaan mashruucan jaceylka ah.

Pranutan Bahl waxaa dhalay laadirkii caanka ahaa ee gabdhaha nafta u keeni jiray Mohnish Bahl sidaan horey idiin kula wadaagnayba atirishadan waxaa soo caan bixinayaa Salman Khan maadama uu filmka qarash gareeye ka yahay.

29 bisha Maarso ayaa tiyaatarada la saari doonaa halka uu Director ka yahay Nitin Kakkar. fadlan halkaan hoose kaga bogo goos gooska mashruucan waxa uu ka hadlaayo qoraal ahaan kadibna nala daawo muuqaal ahaan.

Filmkaan waxaa lagu duubay inta badan dhulka Kashmir Pranutan iyo Zaheer  waa macalimiin iskuul oo arday wax barta goos gooska waxaan ku arkeena ardayda oo inta badan ka heleysa dabeecada hab dhaqanka atiriishada macalimad ah Pranutan halka sharaxaada iyo dabeecada Zaheer ay neceb yihiin.

Wax walbo si dhaqsi ayee isku bedelayaan markii Zaheer uu ka warhelo in macalimad ay jirto taaso fikirkeeda Notebook ku qorto waxuu bilaa asna inuu fikirkeeda Notebook ku qoro iyo fikirkiisana iyada u diro.

Kadib labadan macalin iyagoon is arkin ayee is jeclaanayaan warna iskuma hayaan in macalimiinta iskuulka wada yihiin Zaheer murug ayaa ku bilaawaneyso kadib markuu ka warhelo in Pranutan la guursan rabo waxaana mashruucan loo daawan doona siduu arooskas ku joojin doonaa gabadhuu jeclaana ku helo doonaa.

Hadaba heeska labaad ee mashruucan ayaa lasoo bandhigay taaso la magac baxday Main Taare waxaana codkiisa ugu luuqeynayaa Mega Star Salman Khan sido kalena muuqaal ahaan wuu kasoo muuqana heeska waana hees Music macaan iyo muqaal qurux badan laga duubay sido kalena jaceyl ah hoos ka daawo.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…