Rasmi: John Abraham filimkiisa Romeo Akbar Walter mudo 11-maalmood ganacsiga uu sameeyay

John Abraham filimkiisa Romeo Akbar Walter horey u socod badan ma sameynin todobaadkiisa labaad marka uu guda galay wuxuuna keenay 6.10 Crore (mudo 4-maalmood ah) sidoo kalena wadarta guud 11-maalmood filimkan wuxuu soo xareeyay 35.94 Crore (Trade Figure).

Filimka Romeo Akbar Walter tiyaatarada baaqi kuma sii ahaan doono waayo laga bilaabo maalinta berito ah waxaa masraxa la wareegi doono filimka weyn Kalank sidaa darteed John filimkiisa cimri ahaantiisa 40 Crore ayuu ka yara hooseen doonaa waana filim Boxoffice-ka ku fashilmay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Romeo Akbar Walter iyo mudo 11-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 29.84 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 1.15 Crore

Sabti labaad – 1.90 Crore

Axad labaad – 2.25 Crore

Isniin labaad – 80 Lakh

Todobaadka labaad – 6.10 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 35.94 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Shazam isagana siweyn ayuu gudaha Hindiya ugu fashilmay waxaana muuqato in todobaadkiisa labaad uu keeni doono 5 Crore haatana wuxuu soo xareeyay wadarta guud mudo 11-maalmood ah 20.93 Crore (Trade Figure) waana filim heerkii laga filaayay gaari waayay.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

1 Comment

  1. asxaabta suaal fadlan john abraham filik kaata uu keeno muxuu u dhacaa faalo awoodiisa ku saab san soo daabac fadlan mahad sanidin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*