Home BOX OFFICE Rasmi: Kabir Singh oo noqday filimka 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyay...

Rasmi: Kabir Singh oo noqday filimka 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyay bye bye Uri!

 

Shahid Kapoor iyo Kiara Advani filimkooda Kabir Singh ayaa todobaadkiisa sedexaad keenay 35.50 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan wadarta guud mudo 21-cisho ama sedex todobaad inuu filimkan Blockbuster-ka weyn noqday kusoo xareeyay 247 Crore ($35.88m).




Filimka Kabir Singh haatan wuxuu si rasmi ah u noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkan 2019 asigoo dhaafay filimka Uri oo 244 Crore cimri ahaantiisa keenay. Balse waxaa xusid mudan in todobaadka sedexaad ganacsi ahaan Uri inuu sareeyo kaasi oo keenay 37.06 Crore.




Filimka Kabir Singh wuxuu sameeyay 54% hoos u dhac ah todobaadkiisa sedexaad halka todobaadkiisa labaad uu sameeyay 41% hoos u dhac ah waana midda keeni doonto rajadii laga qabay 300 Crore inuu gaaro meesha ka bixi doonto madaama Jimcadan sidoo kale tiyaatarada ugu badan la wareegay filimka Super 30 waxaana sida maangalka ah la dhihi karaa filimka Kabir Singh cimri ahaantiisa 275 Crore ayuu ku istaagi doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo Kabir Singh iyo mudo sedex todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 133.13 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 78.18 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 35.40 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 246.71 Crore (Trade Figure)




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...