Rasmi: Kangana Ranaut filimkeeda Manikarnika – The Queen Of Jhansi oo tiyaatarada ka dagay

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday Kangana Ranaut filimkeedii Manikarnika – The Queen Of Jhansi madaama uu tiyaatarada isaga dagay waana filim guuleestay oo weliba Kangana awoodeeda Boxoffice-ka kusoo bandhigtay ayadoo cidna garab ka heesanin.

Filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi wuxuu tiyaatarada saarnaa 7-todobaad asigoo cimri ahaantiisa keenay 90.75 Crore (Trade Figure) qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya waana filim guuleestay oo loo badinaayo Semi HIT ama Average inkastoo weli shabakada BOI filimkan natiijadiisa si rasmi ah ugu dhawaaqin laakiin horey ayay u sheegtay inuu yahay filim guuleestay.

Kangana filimkeeda Manikarnika – The Queen Of Jhansi waxaa lagu qarash gareeyay 99 Crore sida shabakada BOI ku diiwaan gashan balse kooxda cajaladaha qeybiyaan ayaa filimkan sii iibsadeen inta badana lacagta ay ku gateen dib ayay ugu soo laabatay.

Filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi markiisii kowaad si gaabis ka muuqdo ayuu ku bilaawday asigoo maalintiisa kowaad ganacsi ahaan ka ag dhawaa filimka Luka Chuppi oo haatan tiyaatarada saaran balse Kangana filimkeeda ayaa marwalbo ganacsi sareyn doono.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Dhanka suuqyada caalamka filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi wuxuu ka keenay $3.46m waana ganacsi wanaagsan madaama filimkan fariintiisa ahayn mid suuqyada caalamka loogu tala galay.

Filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro wuxuu keenay 132 Crore (Worldwide Gross) waana lacag heer sare ah marka loo fiiriyo in Kangana kaligeed hogaamiye ka tahay balse wuxuu wax badan ka ganacsi hooseeyaa Kangana filimkeedii ay iyada hogaamiyaha ka ahayd Tanu Weds Manu Returns oo sanadii 2015 keenay 197 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi oo tiyaatarada isaga dagay todobaad walbo ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 56.56 Crore

Todobaadka labaad – 21.01 Crore

Todobaadka sedexaad – 9.46 Crore

Todobaadka afaraad – 2.94 Crore

Todobaadka shanaad – 64 Lakh

Todobaadka lixaad – 13.50 Lakh

Todobaadka todobaad – 1.50 Crore (mudo 6-maalmood ah)

Wadarta Guud – 90.76 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*