BOX OFFICE WARARKA MAANTA

Rasmi: Nani filimkiisa Jersey oo tiyaatarada ka dagay kani waa HIT dhameestiran

 

Natural Star Nani filimkiisa Jersey ayaa tiyaatarada ka dagay kadib markii mudo 50-maalmood ka badan uu saarnaa wuxuuna noqday filimkan Telugu ama Tollywood ah HIT dhameestiran sida shabakada Andhra Boxoffice (ABO) xaqiijisay.

Nani filimkiisa Jersey oo fariin ahaan laga wada helay wuxuu soo xareeyay 48 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal waxaana saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 28.10 Crore asigoo si rasmi ah HIT u noqday madaama 27 Crore markii hore lagu iibsaday wuxuuna dib usoo celiyay lacagihii lagu iibsaday 104%.

Filimka Jersey suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO) fadlan hoos kaga bogo:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 32.70 Crore, saamiga laga helay 20.90 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 9.10 Crore, saamiga laga helay 4.55 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 3.90 Crore, saamiga laga helay 1.75 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 2.30 Crore, saamiga laga helay 0.90 Crore

Wadarta Guud lacagaha uu keenay dibad iyo 48 Crore, saamiga guud laga helay dibad iyo dal la isku daray 28.10 Crore.

Related posts

Sonam Kapoor Oo Dhulka La Gashay Vivek Oberoi Kadib Sawirkii Hadal Heynta Dhaliyay Ee Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay Shalay!!

Ali Aadan

Nolosha Dhabta Ah: Xidigaha Bollywoodka Iyo Waqtiyadii Ugu Xumaa Noloshooda Soo Wajaheen Qeybtii 3aad

Ali Aadan

Dag Dag; Manchester United oo heshiis shakhsi ah la gaartay daafaca Crystal Palace Arun Wan-Bissaka.

Cabdiraxmaan Anteeno

Esha Deol Oo Gabar U Dhalatay Magacna U Bixiysa Atiriishada Reer Deol Gabar Labaad Ayee Heshay!!

Ali Aadan

Daawo: Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub Lukaku Pogba Messi Van Dijk iyo arimo kale

Zakarie

Daawo Maanta iyo Cayaara Maxaa Ka Cusub?

Zakarie