Rasmi: Ram Charan filimkiisa Vinaya Vidheya Rama maalinta kowaad bilaabasho taariikhi ah ayuu la yimd

Mega Power Star Ram Charan filimkiisa Vinaya Vidheya Rama ayaa ganacsi waali ah sameeyay maalintiisa kowaad dibad iyo dal inkastoo mashruucaan sheekadiisa dhaliil xoogan loo soo jeediyay hadana Ram taageerayaashiisa dhag jalaq uma siinin saxaafada hadaladooda kaliya Superstar-kooda ayay si waali ah ugu daawasho tageen dibad iyo dal.

Filimka VVR ayaa maalintiisa kowaad keenay 42 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray sidoo kalena kooxda cajaladah qeybiyaan waxay ka heleen saami ahaan 31.10 Crore maalinta kowaad.

Waxaa xusid mudan in filimka VVR dhul weynaha Telugu uu wacdaro xoogan ka dhigay maalintiisa kowaad asigoo ka keenay 32.40 Crore wuxuuna noqday filimka 4-aad ee lacagaha ugu badan maalinta kowaad Telugu kasoo xareeyo saami ahaana dhulkan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 26.03 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimka VVR suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay maalinta kowaad soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 32.40 Crore, saamiga laga helay 26.03 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 1.50 Crore, saamiga laga helay 0.52 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 6.80 Crore, saamiga laga helay 4.05 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.30 Crore, saamiga laga helay 0.50 Crore

Wadarta Guud Lacagahiisa Dibad iyo Dal 42 Crore, Saamiga Guud Laga Helay Dibad iyo Dal 31.10 Crore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*