Home BOX OFFICE Rasmi: Samantha filimkeeda Oh! Baby oo hal todobaad Super Hit ku noqday

Rasmi: Samantha filimkeeda Oh! Baby oo hal todobaad Super Hit ku noqday

 

Atirishada reer Telugu ee xiliga dahabiga ah bartanka kaga jirto Samantha filimkeeda Oh! Baby ayaa hal todobaad Super Hit ku noqday waxaana kula wehliyo atooraha lagu magacaabo Naga Shaurya waana filim fariintiisa si heer sare ah looga helay gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.




Samantha filimkeeda Oh! Baby todobaadka kowaad wuxuu keenay 20.20 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan filimkan ka heleen 11.05 Crore saami ahaan taasina waxay xaqiijisay inuu Super HIT yahay madaama kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen markii hore 10 Crore.




Filimka Oh! Baby suuq walbo ganascsiga uu ka sameeyay soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO) todobaadkiisa kowaad fadlan hoos kaga bogo:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 12 Crore, saamiga laga helay 7.35 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 4.80 Crore, saamiga laga helay 2.40 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 2.10 Crore, saamiga laga helay 0.80 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.30 Crore, saamiga laga helay 0.50 Crore

Wadarta Guud Ganacsigiisa Dibad & Dal 20.20 Crore, Saamiga Guud Lacagaha Laga Helay 11.05 Crore.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...