Rasmi: Sara Ali Khan Iyo Varun Dhawan Waxa Ay Ku Midoobayn Dib Samaynta Filimka Coolie No.1


Saif ali khan iyo Amrita singh gabadhooda sara ali khan ayaa dhexda waxa ay kaga jirtaa waqti wacan iyo waayo qurux badan

maadaama labadeeda filim ugu horeesay ay sameeso labadooda ay guuleystayn kuwaaso kala ah kadernath uu noqday filim guuleystay halka filimkeeda simmba isagana uu gaaray guul weyn

Atariishadan ayaa dhawaanahan waxa ay ku mashquulsan tahay duubista filimka Iyada iyo Kartik Aryan Ee Love Aajkal 2 kaaso uu Director ka yahay Imtiaz Ali

waxaana dhawaan filimkaas laga soo bandhigay sawir u gaar ah iyada iyo aktarka Kartik Aryan waxaana la daawan doona 14 bisha febraayo ee Sanadka 2020

sida ay soo warinayso majalada mumbai mirror David Dhawan iyo wiilkiisa Varun Dhawan ayaa waxa ay a dhawaan bilaabi doona shaqada dib u samaynta filimka Coolie No.1 kaaso uu hore u sameeyeen aktarada kala ah Govinda iyo Karishma Kapoor

iyadoo doorka Govinda filimkan uu markan jili doono aktarka Varun Dhawan halka Sara Ali Khan iyadana loo dhiibi doono doorka atariishada Karishma Kapoor

waxaana la qorsheenaya in duubista filimkan la bilaabi doono bisha July ee soo aadan filimkan ayaa waxa uu noqon doona filimkii sadexaad kaaso ay ku midoobaan Varun Dhawan iyo Aabihiisa Director-kii hore u sameeyay Coolie No.1 ninka lagu magacaabo David Dhawan