Rasmi : Shahid Kapoor Iyo Amrita Rao Filimkooda Ishq Vishk waxaa la xaqiijiyya in laga samayn doona qaybta labaad ( laakiin yaa hogaamin doono)

sanadkan 2019 Waxa lagu tilmaami karaa sanadkii Taxanayaasha maadaama sanadkan la daawan doona aflaamo badan qaybahooda kale sida aflaamta kala ah Sadak , Student Of The Year 2 , Housefull 4 , Hindi Medium 2 iyo kuwa kale oo badan

sidoo kale hadda waxaa soo baxaya in qayb labaad laga samayn doona filimkii sheekada macaana ee Ishq Vishk kaaso lagu soo caan bixiyay labada aktar ee kala ah Shahid Kapoor Iyo Amrita Rao sanadkii 2003

sida ay soo warinayso Mumbai Mirror soo saare Ramesh Taurani ayaa xaqiijiyay in filimkan qayb labaad laga samayn doono

isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri” Haa waxaan qayb labaad ka samayn doona filimka Ishq Vishk kaaso la daawaday sanadkii 2003 hadda waxaan qoris ku socota sheekada filimkan ka dib sadex bilood waxaa la dhamayn doona sheekada filimkan iyadoo xiligaas aan ku dhawaaqi doono jilaayaasha filimkan ”

soo saare Ramesh waxaa la weydiiyay macquul ahaan-shaha inay qaybtan labaad loo dhiibi doono jilayaashii qaybtii hore shahid kapoor iyo amrita rao laakiin Ramesh ayaa arrinkaas beeniyay isagoo sheegay inuu filimkan uu dhiibi doono jilaayaal fanka ku cusub