Home WARARKA MAANTA Rasmi: Suldaan Mahesh Babu oo shaaca ka qaaday filimkiisa 26-aad macluumaad ku...

Rasmi: Suldaan Mahesh Babu oo shaaca ka qaaday filimkiisa 26-aad macluumaad ku saabsan

 

Suldaan Mahesh Babu dhawaan waxaa guul lixaad leh u gaaray filimkiisii Maharshi oo ahaa midkiisa 25-aad ee uu hogaamiye ka yahay haatana Superstar-kan Koonfur Hindiya laga dambeeyo gaar ahaana shirkada Telugu ama Tollywood la shaqeeyo wuxuu shaaca ka qaaday filimkiisa 26-aad.




Mahesh ayaa ku dhawaaqay in filimkiisa 26-aad la dhaho Sarileru Neekevvaru wuxuuna kusoo aadiyay ku dhawaaqista mashruuciisa xili uu maamusayo dhalashada sanad guurada aabihiis Superstar Krishna oo 75-sano jirsaday sidoo kalena Koonfur Hindiya barisamaadkii awood weyn ku lahaa.




Mahesh filimkiisa Sarileru Neekevvaru waxaa la daawan doonaa todobaadka ugu horeeyo Janaayo 2020 ama feestada Sankranti 2020 waxaana Director ka ah Anil Ravipudi waana mashruuc weyn oo si dhaqsi ah shaqadiisa ku bilaaban doonto.

Mahesh Babu ayaa xili wacan bartanka kaga jiro madaama filimkiisii ugu dambeeyay Maharshi guul weyn gaaray wuxuuna dhigtay xaflad isaga iyo qoyskiisa si ay guushan ugu dabaal dagaan waxaana la hadal hayaa in filimkan asigoo Hindi ah Salman Khan sameyn doono madaama fariintiisa aad looga helay balse arinkan weli si rasmi ah shaaca loogama qaadin.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...

Is bar bar dhig Karisma Vs Kajol oo dhan walbo ah halkaan kaga boqo (Qoraal ahaan)

  Karisma Kapoor Magaceeda Rasmiga ah: Karisma Kapoor Kajol Magaceeda Rasmiga ah: Kajol Mukerji Xiliga Karisma dhalatay: 25 June 1974 waa 45-jir Xiliga Kajol dhalatay : 5 Aug...