Rasmi: Superstar Ajay Devgn iyo aragtidiisa kowaad filimka Total Dhamaal oo lasoo bandhigay

Superstar Ajay Devgn waa jilaa door walbo sameyn karo markaana wuxuu ku biiray kooxda taxanaha Dhamaal caan ku ah asigoo qaybta sedexaad mashruucaan Total Dhamaal wax ka hogaaminayo.

Ajay Devgn ayaa hadal heyn xoogan abuuray aragtidiisa kowaad filimka Total Dhamaal sida sawirka idin kaga muuqatana waxaa garabka u saaran Daanyeer oo ay macquul tahay filimkan shactirada badan inuu door muhiim ah ku leeyahay.

Ajay ayaa galay booska Sanjay Dutt oo horey labada Dhamaal doorar muhiim ah ugu lahaa sidoo kalena Ajay iyo Director-ka filimkan iskuma cusbo madaama ay saaxiibo dhow yihiin horeyna u wada sameeyeen filimada HIT-ka dhameestiran noqdeen Ishq iyo Mast.

Marka laga soo tago Ajay Devgn filimka Total Dhamaal waxaa wax ka jilayaan Anil Kapoor, Madhuri Dixit, Riteish Deshmukh, Arshad Warsi, Jaaved Jaaferi, Sanjay Mishra iyo Pitobash.

Total Dhamaal waxaa Director ka ah Indra Kumar halka shirkada Fox Star Studios maal galineyso waxaana la daawan doonaa 22 Feb 2019.

Waxaan sugnaaba waa maal maha nagu soo fool leh in jilaayaasha kale ee Total Dhamaal ku jiraan in sawiro kala duwan laga soo bandhigo kadibna goos gooska dhameestiran filimkan ayaa hawada lagu soo deyn doonaa 21-ka ama 22-ka bishan Janaayo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.