Rasmi: Vivek Oberoi oo sameenayo filimka nolosha Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi looga hadlaayo

Bollywood-ka waxay u noqotay xeer dhawaanahan inay dadka caanka ah noloshooda aflaan ka sameeyaan balse arin sahlan ma ahan in filim laga sameeyo nolosha Ra’iisul Wasaaraha Hindiya haatan maamulo Narendra Modi kaasi oo ah shaqsi caan ah sidoo kalena in badan la doonayo in noloshiisa wax badan laga ogaado.

Haddaba atooraha caanka ah Vivek Oberoi ayaa si rasmi ah u saxiixday hogaaminta filimka Ra’iisul Wasaari Modi looga hadlaayo oo haatan loo bixiyay PM Narendra Modi, waxaana lasoo bandhigay aragtidiisa ama kaartadiisa kowaad oo lagu soo bandhigay 23-luqadood gudaha Hindiya caansan ee looga hadlo.

Filimka PM Narendra Modi ee Vivek hogaamiyaha ka yahay waxaa aad loo hadal hayaa muuqaalka Vivek loo sameeyay iyo sida uu aad ugu ekaaday masuulka haatan Hindiya hogaamiyo madaama Vivek da’ahaan dhalinyar yahay laakiin qaabka muuqaalka loogu sameeyay ayaaba ka dhigay mudane Modi oo meesha taagan.

Filimka PM Narendra Modi waxaa Director ka ah Omung Kumar oo horey u sameeyay aflaan caan ah oo ay ka mid yihiin Mary Kom (2014), Sarbjit (2016) iyo Bhoomi (2017) waana filim sameeye inta badan fariimaha waaqiciga ah doorto inuu isku daba rido.

Filimka PM Narendra Modi waxaa soo saare ka ah ama maal galinaayo Vivek aabihiis ruug cadaa Suresh Oberoi sidoo kalena waxaa la maal galinaayo Sandip Ssingh waxaana dhawaan bilaaban doonto duubista filimkan aragtidiisa kowaad hadal heyn xoogan abuurtay.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.