Rasmi: Waxaa La Shaaciyay Waqtiga Rasmiga Ah Ee La Daawan Doono Amir Khan Filimkiisa Xiga ee Laal Singh Chadha

aktarka Amir Khan ayaa dhawaan marka uu u dabaal-dagayay dhalashadiisa waxa uu si rasmi ah shaaca kaga qaaday warbixin ku saabsan filimkiisa xiga waana arin siweyn u farxad galisay taageerayaashiisa madaama la wada sugaayay Superstar-kan xiliga uu ku dhawaaqi doono shaqadiisa xigta dhanka filim jilista.

Amir Khan ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu samayn doono filim lagu magacaabo Laal Singh Chadha kaaso sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ee Classic ah Forest Gump ee Tom Hanks abaal marino badan ku qaatay sidoo kalena mashruucaan waxaa Director ka ah Adviat Chandan oo horey u sameeyay filimka Secret Superstar.

sida ay soo warinayso majalada mumbai mirror aktarkan ayaa meel isku xirtay xiliga la daawan doono filimkiisa weyn isagoo sii qabsaday diwali 2020 maadaama ay tahay maalin fasax kaaso si weyn looga faa’ido

sidoo kale Amir Khan ayaa waxa uu sanadkii hore fasaxii Diwaliga tiyaatarada loo saaray filimka  Thug Of Hindustani inakstoo filimkan sheekadiisa ay tahay mid ay iska diidayn daawadayaashs laakiin filimam maalintiisa kowaad waxa uu sameeyay Rikoor taariikhi ah waana sababta Amir Khan uu u calaameestay Diwali 2020