Raveena Tandon Oo Ilmada Ka Qubaneyso Ayaa Sawirkaan Baraha Bulshada Soo Dhigtay Iyo Hadalkeedi Qiirada Lahaa!!

Halyeey Bollywood Kader Khan geeridiisa waa mid laga naxay shalay markii ay maqleen reer Bollywood iyo taageerayaashisa daafaha caalamka waxaana xusid mudan in jilaagan ay u duceyeen dhamaan muslim iyo gaal wixii aqoon u lahaayen.

Khan waxuu ku geeriyoday Cannada geeridiisana waxaa saxaafada ogeysiiyay wiilkiisa Sarfaraz waxaa la sheegay in neefta ku ceshantay maadama uu neefsiga kudhibana mudo 81 jir isago ah ayuuna geeriyoday Khan.

Atirishada caanka ah Raveena Tandon ayaa si weyn oga naxday geerida kutimid marxuum Kader Khan oo daafaha caalama si weyn looga jecelyahay Raveena wey is celid weyday waxaana la dareemay markii ay qoraalkan soo qoreysay inee ilmada ka qubaneysay.

Waxay tiri iyadoo si qiiro badan u hadleysa,”waad naga tagtay mudane waan kutabi doona marnaba qalbiyadeena kama bixi doontid waxaad tahay qof dahabi ah waligey intaan la shaqeyay ma arag qof kaa qibrad wanaagsan dhanka fanka.”

“Sideen ku ilaawa la shaqeyntaada waxaad tahay aabahey oo kale amigo dhan ayaa gubanaya maanta markaan maqlay geeridada ma qiyaasi kari dareenkeyga waxaan marwalba xasuusta filmadii quruxda badnaa aan kula sameeyay sida.”

“ Aatish, Dulhe Raja, Gharwali Bharwali, Wah Tera Kya Kehna, Bade Miyan Chote Miyan runtii xasuus ayaad inoo reebtay, xasuus ayaad inoo reebtay Alle hakuu raxmado.”