Rishi Kapoor Oo Sheegay In Hindiya Maanta Si Weyn Looga Jecel Yahay SRK Iyo Big B!!

Halyeey Bollywood Rishi Kapoor waa xidig bari samaadkii loogu yeeri jiray Father Of Love ama aabaha jaceylka, hadana wuxuu noqday shaqsi dadka la fal gala dhanka baraha bulshada sido kalena joog ahad iyo jeer goobaha dadka isugu yimaadaan.

Hadaba Rishi oo lagu yaqaano inuu u hadlo qaab dabiic ah ama runta abaara had iyo jeer aanan waxba qarinin ayaa wax laga weydiyay sababta taagerayasha hadeer asiga oga laaxdeen oo ay hadeer ugu bateen xidigaha kala ah Amitbh Bachchan iyo Shah Rukh Khan dhanka Twitterka.

Rishi waa shaqsi kuxiran barta Twitterka balse taageerayaal fara badan kuma laha sida Big B iyo SRK ookale maadama hadeer laaadooda ay hogaaminayaan dhanka taageraysha badan ee barta Twitterka.

Oday Rishi oo hadalka aanan qarsan wuxuu yiri,” waa kuma ninka doonayo inuu arko Rishi Kapoor, dadka oo dhan waxay jacel yihiin inee taageraan ama arkaan Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan aniga cid rabto inee i aragto majirto”.

“Maanta waa labada ugu awooda badan sidaa awged ayee dadkoo dhan u jecel yihiin halka aniga la iga inkiraayo marka sidee taagero badan ugu helaa barta Twitterka ama aan ugula tartami karaa labadooda.”

Dabcan Rishi runta ayuu taabtay wuxuuna sheegay maanta ineesan aheen waqtigii tiyaatarada laisugu tumi jiray daawashada aflaamtisa jaceylka ah iyo xiligii uu gabdhaha qalbiyadooda dhex dagi jiray.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…!