Ronnie (Tiger Shroff) wuu soo laabtay: Inaba caadi ma ahan kaartada caawo Baaghi 2 laga soo bandhigay

Ronnie (Tiger Shroff) wuu soo laabtay asigoo ka awood badan sidii aad ku daawateen Baaghi madaama Baaghi 2 awood dheeraad ah loo yeelay Ronnie.

Waxaa maalinta berito ah si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa goos gooska filimka Baaghi 2 balse caawo fiidkan kaartada sare ayaa laga soo bandhigay filimkaan.

Inaba caadi ma ahan sida Tiger Shroff u diyaarsan yahay wuxuuna sawirkaan sare usii qaaday waxa aan ka filan doono goos gooska Baaghi 2 oo haatan u muuqdo Action dhameestiran sidoo kalena Tiger ficilo halis ah soo bandhigi doono.

Baaghi waxaa Director ka ah Ahmed Khan halka  Sajid Nadiadwala and Fox Star Studios ay isla maal galinayaan waxaana filimkaan la daawan doonaa 30 Maarso 2018.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxda Baaghi 2 oo ay ugu horeeyaan Tiger iyo Disha Patani inay diyaarada nooca Helicopter-ka ku imaan doonaan goobta goos gooska filimkaan lagu soo bandhigi doono!