Rumeyso Ama Ha Rumeysan: Shah Rukh Khan Ma Aheyn Dooqa Kowaad Ee Filmka Zero!!

 

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waxuu la yimid sanadkii 2018 mashruucisa Zero ee sida weyn loo hadal hayey waxaana la islahaa filmkaan dar dar xoogan ayuu kusoo gali doona Box-office-ka balse midaas ma dhicin.

Mashruucan wuu ku fashilmay Box-office-ka sheeko ahaan iyo ganacsi ahaanba hadaba mala socotaa akhristow in SRK uusan aheyn dooqa kowaad ee mashruucan weyn sido kalena doorka SRK meesha uusan kujirinba markii hore.

Waxaa la sheegay atirishada Katrina Kaif inee iska lahed filmkaan iyadana hogaamiye ka noqon lahed markii balse sheekada filmkaan ayaa is bedel lagu sameyay waxaana la sameyay doorka SRK.

Filmkaan magaciisa xitaa markii hore waxuu ahaa “Katrina Mere Jaan” balse is bedel ayaa lagu sameyay sheekada filmka iyo magaca filmka Katrina ayaana wareysi hada kahor ku sheegtay in magaca filmkaan iyo sheekada filmkaan ba ayada iska lahed oo ay hogaamiye ka ahed.

Balse Katrina ayaa aad ugu faraxday markii SRK lagu soo daray filmkaan weyna soo dhaweysay hadana Anushka Sharma ayaa gadaal looga soo daray balse dadaalka xidigahan waxba ma tarin hader waxayba u dhowdahay inuu tiyaatarada ka dago gabi ahaantisaba.

Dhanka shaqada SRK filmkiisa xiga ee Salute ayuu duubis ku bilaawi doona halka Katrina Kaif ku mashquulsantahay filmkeeda Bharat ee la daawan doono  bartamaha sanadkaan 2019..

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*