Sadax beenaale oo isku faantay iyo yaabkii meesha ka dhacay (ila qosol) qeybtii 2aad.

 

 

Waxaan qeybtii hore soo sheegnay beentii uu gamay beenaalihii koowaad hadana waxaan halkaan ka sheegi doonaa qeybtii labaad iyo labadii beenaale ee dhinaa beentii ay sheegeen.

 

Markii uu beenaalihii koowaad hadalka dhameeyay misna yiri aniga yaa iga been badan ayaa waxaa hadlay beenaalihii labaad oo yiri waxba ma aadan sheegin ee beenteyda dhageysta wuxuuna hadalka ku bilaabay;

Maalin anoo geel la jiro ayaa geelii iga dhumay, waan raadiyay geelii balse waan waayay ilaa aan ugu dambeyn ka helay raad geel, markaas ayaan raadkii raacay sidaan ugu socday ayuu wuxuu iga noqday labo wado oo midkasta tahay raad geel.

Waan fikiray waxaana aqoon waayay raadkii aan raaci lahaa ilaa aan ugu  dambeyn ku fikiray inaan labada jid mid kamid ah soo duubo misna jeebka gashto oo aan midka kale ku socdo.

Sidii ayaan yeelay oo waxaan soo duubay labadii jid mid kamid ah oon jeebka gashtay anoo jidkii kalana ku socday, sidii aan u socday ayaa waxaa iga dhamaaday jidkii waxaana is arkay anoo meel cidla ah taagan.

Anigii waxaa iga soo hartay yaab waxaana garan waayay meel aan ka baxo balse nasiib wanaag waxaan soo xusuustay jidkii jeebka iigu jaray, markaas ayan jidkii soo baxsaday oo aan halkii ku fidsaday kuna socday ilaa aan ugu dambeyn geelii ka helay misna xerada keenay.

Hadaba aniga yaa iga been badan???

Markaas ayaa waxaa hadlay beenaalihii sadaxaad oo yiri waxba ma aadan sheegin ee beenteyda dhageysta, wuxuuna hadalkii ku bilaabay;

Maalin ayaa anoo geel la jiro hal kamid ah geelii iga luntay, markaas ayaan raadinteeda bilaabay meeshuna keyn bey aheyde ugu dambeyn geed ayaan fuulay balse hasheegin.

Markaas ayaan fikiray waxaana is dhahay war maad inta isha soo bixiso oo waranka caaradiisa (afkiisa hore) ka taagtid kor u qaadid oo meelaha ku fiirisid waa intaasoo aad heshaayee?

Markaas ayaan ishii iska bixiyay oo waranka caaradiisa ka taagay misna kor u qaadaye si aan hashii geela aheyd ugu fiiriyo alx waxaan arkay ayadoo meel halkaas ah daaqeyso, markaas ayaan inta soo dagtay anoo faraxsan isheydii meesheedii ku celiyay hashiina geelii dhinac kaga soo daray ee dadow aniga yaa iga been badan??

 

Hadaba akhristow hadaad akhrisatay qeybtii koowaad ee sheekadaan sadaxdaas beenaale midkeebaa ugu been badnaa??

 

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

1 Comment

  1. Sheekadan maahan sadex nin ee waa isku nin oo qudha magiciisa cilmi cali ayaa ladhaha waa nin reer mudug ah gaar ahan reer caabudwaaq 2013 kii buu dhintay qisooyin intan ka badan buu leeyahy

Comments are closed.