Sadax beenaale oo isku faantay iyo yaabkii meesha ka dhacay (ila qosol).

 

Hada kahor sadax beenaale ayaa isku faantay iyadoo uu mid kasta leeyahay anaa ugu been badan iyo anaa ugu been badan.

Maalin kasta oo ay kulmaan waxay ahaayeen kuwa isku faana ilaa maalintii dambe uu mid kamid ah yiri maan u tagno dad nakala garsoora oo aan beenteena u bandhigano?

Sadaxdii beenaale ayaa arintaas isku raacay waxayna u yimaadeen dad si ay u kala garsooraan, dadkii ayaana yiri waan idiin kala garsooreynaa ee midkastow beentaad heyso soo daa.

Waxaa hadlay beenaalihii koowaad asigoo hadalka ku bilaabay; maalin ayaa anoo geel la jiro waxaan maqlay hugun iyo meel  buuq ka yeeraayo waxaana is dhahay maad buuqaas soo fiirisid?

Dhiil yar oo caano iigu jireen oo aan watay ayaan waxaan surtay geed labi ah mise culeys daraadii geedkii ayaaba soo dumay…. Hadana waan soo qabtay waxaan surtay geedka jiridka weyn ee geed yaaqa ah saa culeys daraadii geedkii ayaaba soo jabay.

Inta yaabay ayaan dhiishii soo qaaday waxaana suray geed saaq ah alx ilaah mahadii waa ii celiyay, markaas ayaan anoo faraxsan imaaday meeshii uu buuqa ka jiray mise waaba ayeeydey oo aabahey dhalooso yaab.

Markii aabahey la dhalay ayaa la igu yiri war aabahaa waa la dhalee orod oo keen caanihii afka loogu celin lahaa.

Markaas ayaan waxaan soo xusuustay dhiishii caanihii ee geedkii saaqa ii surneyd, markaas ayaan soo baxay si aan usoo qaado mise waxaanba u imid dhiishii oo aboor cunay caanihiina geedka ii suranyihiin….

Inta yaabay ayaan caanihii geedka surnaa soo qaaday oo aan meeshii aabahey lagu dhalay keenay si aabahey oo markaas dhashay afka loogu celiyo.

Hadaba aniga yaa iga been badan????

 

La soco qeybta labaad iyo labada beenaale kale sheekadooda.

2 Comments

  1. 3 dan nin ee sawirka ka muuqda aad ayaan u taagera orginalkoda musalsalka the three stoogs lan nala wadaaga macluumadkoda kuwa. asalka ah ee horay u matali jiray 1920 meelaha ilaa 1945 ti

Comments are closed.