Saif Ali Khan Oo Samayn Doona Race 4 Ka Dib Fashilkiisa Race 3 Ee Aktarka Salman Khan

filimka Race 3 kaaso la daawaday sanadkii hore ayaa siweyn u fashilmay sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan sidoo kalena uu noqday filimka ugu sheekada liitay ee 2018 la sameeyo.

Race 3 wuxuu noqday Average ama bad baaday gudaha Hindiya halka suuqyada caalamka uu HIT ka noqday wuxuuna guushaan ku gaaray Mega Star Salman Khan awoodiisa ee sheeko ahaan waa filim qof walbo iska diiday oo ay taageerayaasha Salman xitaa filimkan dhibsadeen.

waxaa ayna midaas hadda sababtay in soo saarayaasha filimkan ay u yeeraan aktarka ay hore u dulmiyeen ee saif ali khan kaaso hore guulo ugu horseesay race 1 kaaso la daawaday sanadkii 2008  iyo race qaybtiisa labaad kuwaaso ahaayeen labo filim oo qiyaano miiran ah kaaso si weyn u amaanayn daawadayaasha

warar dhawaan soo baxaya ay sheegayaan in soo saaraha taxanaha race ninka lagu magacaabo ramesh uu qaatay go’aan kaaso uu dib saif ali khan ugu soo celinayo samaynta mashruucan qaybtiisa afaraad

maadama filimka race 3 isaga laga doortay salman khan kaaso ku guul-daraystay inuu si fiican ugu baxsado qaab-jiliinka aktarka saif ali khan uu ku muujinaayay taxanahan labadiisa qaybood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*