Saif Ali Khan Oo Si Weyn Kaga Hadlay Hadalada Ku Jira Filimka Ajay Devgan De De Pyaar De Kaaso Lagu Muujinaayo Farqiga Da’da U Dhaxeeyo Isaga Iyo Xaaskiisa Kareena Kapoor

Ajay Devgan waxa dhawaan lagu arki doona oo Tiyaatarada loo saari doona filimka lagu magacaabo De De Pyaar De kaaso dhawaan goos-gooskiisa la daawaday si weyn looga helay

iyadoo goos-gooska filimkan aan ku aragnay doorka Ajay Devgan kaaso ah in 50 sano jir ah doonaya inuu shukaansado gabadha 26 jir taaso lagu magacaabo Rakul Preet Singh isagoo ka weyn kala bar da’da uu jiro

sidoo kale goos-gooska gudihiisa Ajay Devgan waxa uu ku doodaya inay macquul tahay inuu xariir la sameeyo gabadhan dhalin-yarada ah isagoo cadeyn ahaan u soo qaadanaya inay hore midaan oo kale ay u dhacday kaaso ah inuu xariir dhex-maro nin oday ah iyo gabar dhalin-yaro ah

isagoo tusaale ahaa usoo qaadanaya lamaanayaal ay ka mid yihiin Michael Douglas iyo Catherine Zeta-Jones, George Clooney iyo Amal Clooney iyo Ajay Devgan oo ugu dambayn tusaale ahana usoo qaadanaya Farqiga cimri ee u dhaxeeya labada lamaane ee kala ah Saif Ali Khan Iyo Kareena Kapoor

iyadoo Saif Ali Khan markii uu Maqlay hadalkan kasoo baxay Ajay ee ku jira filimkan ayaa uu la hadlay Saif Ali Khan oo la hadlaya majalada DNA ayaa waxa uu yiri ” haa runtii waa mid xiiso badan Ajay waa aktar aan in badan ixtiraamo maadaama uu markasta uu doorto mowduuc dadka soo jiidanaya laakiin aniga in badan kama weyni Kareena ”

Saif Ali Khan ayaa arrintan waxa uu ka dhigay mid kaftan ah isagoo sheegay inuusan wax dhibaato ah u arkin in magaciisa lagu soo dhex daro filimkan Saif Ali Khan Iyo Kareena waxa uu dhaxeeya Da’ ahaan  10 sano oonii weyn yahay Siaf Ali Khan maadaama uu jiro isaga 48 sano halka Kareena  iyadana ay jirto 38 sano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*