Salim Khan, Salman Khan, Helen, Waheeda Rahman Iyo Jillayaal Kale Oo Daawashada Simmba Lagu Casuumay (+Sawiro)

Simmba si fudud ayuu ku noqday Super Hit weyn waliba mudo 6 maalmod oo u tiyaatarada saarna waana filma dagaal oo ay dadka hindida ah soo dhaweyeen mashruucan waxaa hogaamiye ka ah Ranver Singh.

Sido kale Sara Ali Khan ayaa si weyn ugu soo caan baxday filmkaan waana filmkeeda labaad ee Bollywood ah isla sanadkee soo caan baxdayna la daawday halka uu Director ka yahy Rohit Shetty (macalinka filmda dagaalka ah).

Hadaba kooxda filmkaan ayaa casumaad gaar ah xalay sameesay iyo guusha filmkooda gaaray waxayna ku casuumen daawashada filmkooda qaar kamid ah xidigaha Bollywoodka maadama ay u dabaal dagayeen Simmba Super Hit-ka uu noqday.

Salman Khan iyo qoyskiisa, Helen, Waheeda Rahman, Rohit Shetty iyo xidigo kale ayaa la arkay oo ka qeyb galayaan casuumada iyo xaflada loo dhigay mashruuca Simmba ee guusha weyn gaaray.

Waxaa la filaa in cimri ahaantisa uu keeno 200 Crore filmkaan waana mid rajo weyn laga qabo xitaa 200 Crore inuu saro udhaafo ayaa macquul ah halkaan hoose ka daawo sawirada laga soo qabtay xidigahan.