Salman Khan Iyo Katrina Kaif Oo Si Weyn Loogu Maadeystay Baraha Bulshada Ka Dib Markii Loo Magacaabay Inay Ka Mid Yihiin Xidigaha Xayeesiin Doonan Luuqada Urdu

dalka india waa dal ka duwan dalalka kale maadaama dalkaas ay ka jirto dhawr luuqad oo kala duwan oo halkaas looga hadlo sida Malayalam , Hindi , Teleugu , Bengali , Marathi iyo kuwa kale oo badan laakiin

hadda dowlada india ayaa waxa ay doonaysa dhawaan qabato xaflad weyn ama bandhig lagu Hormarinaayo luuqada loo yaqaan Urdu waxaana halkaas lagu soo bandhigi doona tartamo iyo Barnaamijyo loogu tala-galay In lagu hormariyo luuqada Urdu

Ra’iisal wasaaraha dalka india uu sanadkasta uu bixinaayo lacagta bandhigaas kasoo bilow Sanadkii 2014 ilaa bandhiga sanadkan waxaana lacagahaas ay gaarayaan Rs 332 Crore

waxaana bandhigan hogaamin doona Wasiirka Human Resource Development’s iyo Ururka u xil-saaran hormarinta luuqada Urdu kuwaaso lagu magacaabo National Council For Promotion of Urdu Language ( NCPUL)

waxaaa ururkan madax looga dhigay sadexda aktar ugu caansan gudaha bollywoodka kuwaaso kala ah Shah Rukh Khan , Salman Khan Iyo Atariishada Katrina Kaif

xidigahan ayaa waxa ay halkaas ku tartan ugu qaban doono dhalin-yarada si kor loogu qaado garaadkooda ku hadlida luuqada Urdu

laakiin fakirkaan waxaa kasoo horjeestayn dadka isticmaala baraha bulshada kuwaaso si weyn u dhaleeceeyeen qorshaha dowlada ay xayeesiinta luuqada ugu xil-saartay aktarada kala ah Salman Khan Iyo Katrina Kaif waxaana arrintaan laga saaray maadaama uu si fiican uga hadli yaqaano luuqada Urdu

iyagoo sheegayn in labadaas aktar aysan ku hadli karin luuqada Urdu sidoo kale waxa ay Katrina Kaif ku Troll gareeyeen in marka hore lasoo hubiyo hadii ay xitaa ku hadli karto luuqada hindiga

waxaana sidoo ay sheegayn inan kaliya la fiirin caannimada sidoo kale la fiiriyo sharafta iyo dadka ku hadla luuqadaas maadama labada aktar ay sheegayn inay laa yaaaban yihiin sababta ay ugu soo qayb-galayaan bandhigaas maadaama aysan fahamsanayn waxa la sheegaayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*