Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Salman Khan “Markasta Waxaan Ku Fakiri Jiray Rohitt Shetty Inuu Yahay Walaalkayga Iga Yar Hadana Midaas Wuu Muujiyay Maadaama Filimkiisa Soorayavanahi La Daawan Doono Todobaad Ka Hor Inta Aan La Daawan Filimkayga Inshallah Eid 2020”

Aktarka Xilliga Salman Khan waa mid lagu yaqaano naxriista waana sababta uu saaxiibo badan ka dhex abuurtay gudaha bollywoodka isagoo waqti walba jecel inuu dadka kale caawiyo

iyadoo bilowga sanadkan lagu dhawaaqay labo mashruuc oo qaali ah kuwaaso ay kala ah Filimka Inshallah kaaso ay ku midoobayn sadexda shaqsi ugu awoodda badan bollywoodka sida aktarka ugu awoodda badan bollywoodka Salman Khan , atariishada Alia Bhatt iyo Director Sanjay Leela Bhansali

mashruuca kale isagana kama yareesto maadaama laysugu keenay shaqsiyaad magaca ku leh Bollywood-Ka sida aktarka Akshay Kumar , Katrina Kaif waxaana Director ka ah ninka dhawaanahan laga daba-dhacay Director Rohit Shetty halka uu soo saare ka yahay Karan Johar

ka dib markii lagu dhawaaqay labadan filim waxaa ay soo baxday warar xiiso leh kuwaaso sheegaya labadan inuu dagaal weyn dhex-mari doono Eid 2020 taaso lagu tilmaamay inay noqon doonto isku dhacyadii ugu weynaa taariikhda fanka Bollywood-Ka

laakiin hadda waxaa midaas ka hortagay oo Salman Khan neefta kusoo celiyay Director Rohitt Shetty kaaso hadda shaaciyay in filimkiisa Sooryavanshi aan la daawan doonin Eid 2020 sidoo kalena laga soo hormariyay waxaana filimka Sooryavanshi la daawan doona 27 bisha may waxaana muddo todobaad ah uu ka hormari doona filimka Inshallah

haddaba Salman Khan ayaa ka aamusi waayay go’aanka Director Rohitt Shetty isagoo fariin hambalyo ugu soo diray baraha bulshada weliba bartiisa Twitter isagoo yiri ” mar walba waxaan ku fikiri jiray ama aan kuu haystay inad tahay sida walaalkayga iga yar laakiin maanta ayaa muujisay mudane Rohitt Shetty maadama filimkaaga Sooryavanshi la daawan doona 27 bisha may ”

hadda waxa meesha ka baxday cabsida labada dhinac kaaso ahayd inay labadan filim isku dhacaan taaso qasaaro u noqon lahayd hogaamiyaasha labadan filim waxaana wax walba xaliyay Director Rohitt Shetty kaaso go’aansaday in filimkiisa Sooryavanshi la daawado todobaad ka hor inta aan la daawan filimka weyn ee Inshallah

Related posts

Daawo: Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub?

Zakarie

Xidigaha Bollywoodka Ee Nolosha Dhabta Ah Saaxibada Ah Wax Badan Ka Ogow!!

Ali Aadan

Daawo: Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub Juve oo laga hor imaaday Man United Real

Zakarie

Filmka Bharat Iyo Todobaadkiisa Kowaad La Fidiyay Ganacsiga Adag Uu Sameeyay Kani Waa Hit Aan La Joojin Karin!!

Ali Aadan

8 Aktar Kuwaaso Sanadkan 2019 aan Lagu Arki Doonin Tiyaatarada

Jabriil Abdikadir

Maqaal: Atariishoyinka Bollywoodka Kuwooda Ugu Guulaha Badan Ee SRK Saaxiib Lanoqdeen !!

Ali Aadan