BOX OFFICE WARARKA MAANTA

Salman Khan Oo Iskoor Waali Ah Dhigay Iyo Filmkiisa Bharat Ganacsiga Xad-dhaafka Ah Uu Sameeyay Maalintiisa 1-aad Sallu Looma Dhowaan Karo!!

 

Mega Superstar Salman Khan ayaa taariikh lama ilaawan ah dhigay maanta kadib mashruuciisa Bharat oo ganacsi waali ah sameeyay waxuu noqday Filmka 2-aad maalintiisa 1-aad ganacsiga ugu badan sameeya taariikh ahaan Bollywoodka.

Bharat maalintiisa kowaad waxuu keenay qiyaas ahaan 43-45 crore inta u dhaxeysa sida shabakada Box-office-ka fiidkan soo daabacsay kaliya waxaa ka ganacsi badan maalintiisa kowaad filmka Thugs of Hindustan oo 50 Crore keenay maalintiisa 1-aad.

Bharat waxuu noqday Salman Khan filmkiisa lacagaha ugu badan keena maalintiisa 1-aad isagoo cagta mariyay aflaamta horey iskoorkan u heysteen sida Prem Rathan Dhan Payo, Star Power-ka Salman Khan ayaa meeshii ugu sareysay gaartay sida BOI ka dhawaajisay.

Aflaamta kala ah Tiger Zinda Hai iyo Thugs of Hindostan ganacsiga maalintooda 1-aad ay sameyeen waxaa ka cawisay in ay ahaayen filmo Action ah dadkana u xiisa qabeen inee daawadaan waana sababta loogu yaacay.

Balse Bharat ma ahan film dagaal ah madadaalo dhameestirana leh balse waa film qiiro badan nolosha qoyskana ka hadlaayo inkastoo fariintiisa waddanimo lagu dabaqay hadana ganacsigan waalida ah ayuu sameeyay maalintiisa 1-aad taasi waxay cadeyn u tahay jaceylka xad-dhaaf ka ah ee xidigaan loo qabo iyo Star Power-kiisa halka uu gaarsiisan yahay waqtigaan.

Ganacsiga fiidkan la sheegay waa qiyaas ahaan waxaa macquul ah in uu intaan ka bato berri subaxii ayee shabakada BOI si rasmi ah usoo daabici doontaa marka uu ganacisa mashruucan saldhigto Insha’Allah..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Related posts

Warbixin Xiiso Badan: Aryeman Ramsay Oo Qorsheenaya Inuu Dhawaan La Bilaabo Doono Duubista Filimka Khaakhee Qaybtiisa Labaad

Jabriil Abdikadir

3 filim lagu amaano aktarka amir khan laakiin markii hore uu iska diiday aktarka shah rukh khan

Jabriil Abdikadir

War dag-dag ah; Eden Hazard oo si rasmi ah ugu biiray kooxda kubadda cagta Real Madrid .

Xiriirkii John Abraham Iyo Bipasha Basu: John Ayaa Qiyaano Jaceyl Geestay Iyo Xaqiiqada Rasmiga Ay Ku Kala Tageen!!

Ali Aadan

Karan Johar Oo Shaaciyay Atariishada  Kareena Kapoor inay Xilli Cabsi Darteeda U Duubi Waysay Muuqaalo Ka Mid Ah Filimka Kabhi Khushi Kabhi Gham ( Haddaba Waa Maxay Cabsidaas)

Jabriil Abdikadir

Rasmi: Filimka Student of The Year 2 iyo Isniintiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Zakarie