Salman Khan Oo Loo Tilmaamay Inuu Ranbir Kapoor Jaceylkiisa Alia Bhatt Kala Wareego Aargoosi Ahaan!!

Maanta war weyn ayaa kasoo baxay dhankaa iyo Bollywoodka kadib marki lagu dhawaaqay in agaasime Sanjay Leela Bhansali uu film ku mideyn doono xidigaha caanka ah Salman Khan iyo Alia Bhatt kuwaaso markii ugu horeysay wada shaqeyn doonaan.

Balse hadal heyn weyn ayaa ka dhalatay kudhawaaqista filmkaan magac ahaan loo bixiya Inshallah 2020-kana la daawan doono hadal heyntaaso ah in Salman iyo Alia da’ahaan farqi weyn u dhaxeeyo 27 sanona uu ka weyn yahay xidigtaan.

Hadal heynta wey kasii dartay kadib markii qaar kamid ah taageerayaasha Salman Khan baraha bulshada maanta ugu tilmaameen xidigaan inuu Ali Bhatt toos ula wareego ama nolosha dhabta ah jaceylkiisa ka dhigto isagoo ka dulqaadaya Ranbir Kapoor.

Qaar kamid ah taageerayaasha Sallu waxay soo qoreeyn fariintaan,”Mudane Salman waad xasuusataa Ranbir hada kahor inuu kaa dulqaaday Katrina Kaif tani waa fursad aad adiga iyo Alia Bhatt isku dhex gali kartaan ka dulqaad markaada Alia Bhatt.”

Sheekadan waxaa bilaaway Ranbir Kapoor oo hada kahor Katrina Kaif soo jiitay iyadoo Salman Khan saaxiib la ah balse sheekada ay soo sheegen taageerayaasha Sallu suurta galnimadeda wey adagtahay balse waa dad sidee jeclaan lahaayeen kaliya ka hadleen.

Taageerayaasha Ranbir Kapoor jawaabahooda waan soo aruurin doonna iyo waxa ay ka dhahaan oraahdan fariinta ah ee Salman Khan loo diray sido kale xidigahan iyagana wixii ay ka dhahaan waan idiin la wadaagi doonna hadii ay saxaafada weydiyaan..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…