Salman Khan Oo Ranver Singh La Maqaam Dhigay Super Star-da Kala Ah Aamir Khan, Shah Rukh Khan Iyo Akshay Kumar Wuxuuna Sheegay Raggan Inuusan Film U Sameeyn Karin!!

Mega Star Salman Khan oo kamid ah hogaamiyaasha Bollywoodka amaba si fudud loo dhihi karo hogaamiyaha Bollywoodka waqtigaan ayaa Ranver Singh la bar bardhigay maqaam ahaan xidigaha uu isaga la xifaaltamo sida Aamir Khan, SRK iyo Akki.

Ranver Singh sanadihii u dambeyeen hawada sare ayuu galaya waxuu noqday xidig shaqsi walba iska jeclaanaya Bollywoodka badankooda ayuu quluubta ka degey maadama doorar cajiib ah iyo filmo guulo waaweyn gaareen uu la yimid sida Bajirao Mastani, Padmaavat, Simmba, Gully Boy iyo kuwa kale.

Isaga iyo Salman waxay ku kulmeen maalmo kahor xaflada aroos ee Akash Ambani halkaaso ay waqti kuwada qaateen sida la sheegay sido kale Salman waxuu aad oga helay doorka Ranver ee fllmkiisa u dambeeyay Gully Boy hadaba Sallu oo wareysi bixinaayo ayaa ka hadlay xidigaha uusan aflaam u maal galin karin.

Inta badan xidigaan ayaa aflaam u maal galiya shaqsiyaad Bollywoodka kucusub iyo kuwa kale balse markaan waxaa la weydiiyay hadii Super Star-da caanka ah uu aflaam u maal galin doono waxuuna ku jawaabay sida tan.

“Waa igu dhib oo ma sameeyn karo inaan film u maal galiyo xidigaha waaweyn sida Aamir, Shah Rukh, Akshay iyo Ranver sababto ah waa dad maqaam sare fanka ka gaareen anigana waxaa la igu yaqaana soo caan bixinta kuwa Bollywoodka kucusub.”

Salman waxuu liiskan kusoo daray Ranver Singh oo maqaam ahaan lamid aheen xidigaha kale balse waxay taasi cadeyn u tahay ahmiyada gaarka ah iyo mudnaanta uu siinaayo Ranver waqtigaan.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*