Salman Khan “Tamarta ugu weyn ee aan heesto waa taageerayaasheyda marwalbo idhiiri galiyaan”

Mega Star Salman Khan waa 53-jir hadana kama daalo sameynta aflaanta mada daalo dhameestiran leh wuxuuan fanka Hindiya ka tirsan yahay ku dhawaad 30-sano.

Salman Khan waxaa la weydiiyay waxa ku riixayo ama ku dhiiri galinaayo inuu fanka Hindiya heer sare ka taagnaado sidoo kalena 8-sano ee ugu dambeesay hogaanka Bollywood-ka u haayay.

Salman Bhai wuxuu yiri “Aniga dhiiri galinta ugu weyn ee aan heesto waa taageerayaasheyda marka ay daawadaan filimkeyga amaantooda iyo bogaantooda ayaa igu qasabto inaan filimkeyga xiga si adag u shaqeeyo”

“Waa run 53-jir ayaan ahay tamar badan ama Energy badan ma haayo laakiin tamarteyda ugu weyn waxaan ka helaa sida ay taageerayaasheyda ay xili walbo ii dhiiri galiyaan”

Salman Khan ayaa hada ku sugan gudaha UK wuxuuna halkaas u joogaa bandhiga Dabangg Tour asigoo halkaas kumanaan taageerayaal ah kusoo dhaweeyeen.

Salman Khan dhawaan wuxuu soo idleeyay filimka Bharat  oo la daawan doono 5 june sanadkan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*