Sanjay Dutt-Madhuri Dixit, Ajay Devgan-Saif Ali Khan Iyo Jilayaasha Bollywoodka Mudo Dheer Kadib Shaashada Wadaagayan (+Sawiro)

 

Waxaa bilaawatay xasuus hore iyo dib u shaqeyn dad isku xiisay kuwaaso mudo dheer kahor wada shaqeyeen haatana doonayan inee wada shaqeyaan.

Jilayaasha Bollywoodka ee 90-maadki iyo bilawgii qarnigan shaashada wadaagen lama tirin karo kuwaaso maanta in badan loo xiisay wey jiraan kuwa badan oo niyada lagu hayo mar uun inee isla shaqeyaan.

Balse waxaa jiraan qaar kamid ah kuwaas oo marhore la qorsheyay inee dib shaashada u wadaagayaan waxaana kamid ah jiayashas, Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Anil Kapoor, Ajay Devgan Tabu iyo kuwa kale.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Jilayaasha Bollywoodka Ee Mudo Dheer Kadib Wada Shaqeynayaan:

Madhuri Dixit Iyo Sanjay Dutt: 22 Sano kadib waxa ay ku midoobayn filimka kalank kaaso la daawan doona bisha april ee soo aadan .

Sanjay-Madhuri

Anil Kapoor Iyo Madhuri Dixit: 18 Sano Kadib ayee Total Dhamal ku midowayaan ayago marki ugu dambeysay Lajja wada sameyen

Anil-madhuri

 

Ajay Devgan Iyo Saif Ali Khan:

 

19 ka dib ayay labadan aktar waxa ay shaashada ku wadaagi doonan filimka dagaalka ah ee Tanaaji : the unsung warrior inkastoo ay hore iskala soo muuqdayn dhawr filim sida Loc Kargil Iyo Kachche Dhaage waxaana ugu dambeesay ugu wada inay shaqeeyeen filimkii Omkara sanadkii 2006

sanjay dutt iyo pooja bhatt:

Sanjay Dutt ayaa markan waxa uu la shaqeenayso aktar walba isagoo markan 28 sano ka dib filim la sameenaayo atariishada Pooja Bhatt iyagoo wada samayn doona sadak qaybtiisa waxaana ay hore u sameeyeen sadak qaybtiisa kowaad sanadkii 1991

 

Ajay Devgan Iyo Madhuri Dixit: 18 sano kadib ayaa waxa ay sanadkan 2019 iskala soo muuqdayn filimkii dhaawaan la daawaday eeTotal Dhamal waxaana ugu dambeysay inay wada shaqeyeen filmka Yeh Raaste Hai Pyaar Ke.

Ajay-Madhuri

 

 

 

 

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*