Sanjay Dutt Oo Xiran Doona Dhar Culeyskeedu Yahay 25 Kg Si Uu Kaga Run Sheego Doorkiisa Boqorka Dalka Afghanistan Ee Filimka Panipat

Aktarka Sanjay ka dib markii xabsiga uu kasoo baxay waxa uu noqday dooqa kowaad ee filim-sameeyaasha bollywood isagoo hadda dib ugu soo laabtay samaynta aflaamta waxaana uu hadda shaqo duubis ku hayaa inka badan 5 filim

sanjay ayaa waxa uu maalmahan dambe uu ku mashquulsan yahay duubista filimka weyn ee Panipat waana filimkii afaraad ee uu aktarkan sameenaayo kaaso ah filim la hadlaya dagaalo taariikhi ah

sanjay ayaa filimkan waxa uu ku leeyahay door weyn kaaso lagu magacaabo Ahmad Shah Durrani kaaso ahaa boqorkii ka talin-jiray dalka Afghanistan laakiin sanjay dutt waxa uu xiran doona dhar culeyskeedu yahay  25 kg

sida ay soo warinayso DNA ” sanjay dutt ayaa hadda waxa uu ku sugan yahay magaalada Jaipur oo halkaas ka socoto duubista filimka waxaana sanjay dutt halkaas loogu diyaariyay Gym isagoo mar walba isticmaalaya ka hor inta uusan xiran dharkaas culeyskiisa yahay 25kg”

Filimka dagaalka boqortooyo Panipat waxaa hogaamiyaal ka ah Sanjay Dutt, Arjun Kapoor iyo Kriti Sanon oo lagu badalay Kareena Kapoor Khan oo markii hore la hadal haayay inay sameyn doonto mashruucaan.