Sanjay Leela Bhansali Oo 3 Magac U Diiwaangaliyay Filmka Shah Rukh Khan Iyo Salman Khan Uu U Sameynaayo!!

Kadib daawashada filmka Padmaavat filmsameye Sanjay Leela Bhansali waxaa la isla dhexmaraayey inuu mashruuc kale oo xiiso leh durba diyaarinaayo warka waxuu hawada sare sii maray markii Salman Khan la sheegay inuu hogaamiye ka yahay filmkaan.

Balse warkaas war ayaa ka dambeyay si weyna taageerayaal badan u wada xiiseyeen kaaso ah in Shah Rukh Khan filmkaan lagu soo daray oo uu Salman Khan la hogaamin doono wararka ugu dambeya ee Bollywood Hungama maanta kasoo baxaya waxay sheegayan in sheekada filmkaan tahay dib u sameynta filmka Baiju Bawra.

Haa, Bhansali waxuu dib u sameyn doonaa filmka Classic-da ah e Baiju Bawra kaaso Meena Kumari India ku qabsatay 1952 waxaana la sheegay in Bhansali sedex magac midkood u bixin doono dib u sameynta filmkaan sedexdaas magac oo kala ah Baijnath, Baiju, iyo Baiju Tansen.

Meena Kumari waxay filmkaan ku qaadatay sanadii 1954 abaal marinta Filmfare Awards qeybta atiriishada ugu wanaagsan waana sanadkii ugu horeysay ee Filmfare la qabto xili Meena Kumari noqotay atiriishadii ugu horeysay ee taariikh ahaan abaal marintan ku guulesata.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…