Sara Ali Khan Oo Ku Dhow Inay La Shaqayso Aktarka Ay Ku Riyoonaysay Laakiin Waa Inay Marka Hor U Mahad Naqdaa Atariishada Katrina Kaif

saif ali khan iyo amrita singh gabadhooda sara ali khan ayaa dhexda waxa ay kaga jirtaa waqti wacan iyo waayo qurux badan

maadaama labadeeda filim ugu dambeeyay kuwaaso kala ah kadernath uu noqday filim guuleystay halka filimkeeda simmba isaga uu hayo wadadii guusha

sara ali khan ayaa hore u sheegtay inay ku riyoonayso inay mar uun la shaqeeso aktarka dadaalka badan ee varun dhawan xilli ay ka qayb-galaysa showga koffe with karan laakiin hadda waxa ay u muuqata inay riyadayda u rumoowi rabto

madamaa warar dhawaan soo baxaya ay sheegayaan in sara ali khan ay qarka u saaran tahay inay atariisho kowaad ka noqoto filimka ABCD qaybtiisa sadexaad

ka dib markii ay isaga baxday atariishada katrina kaif waxaana hore laysla dhex-maraayay warar xan ah kaaso ah in shradha kapoor lagu badalay atariishada katrina kaif madaama Shraddha iyo Varun ay  atariisho ka ahayd filmka ABCD qaybtiisa kaaso guul weyn gaaray waxayna filmkaan kusoo bandhigeen qoob ka cayaar heer sare ah.

laakiin sara ali khan ayaa hadda noqotay dooqa kowaad director remo d’souza sara ayaa waxa ay dadka si weyn  ugu soo jiidatay bandhiga jiliin ay kusoo bandhigtay labadeeda filim ugu dambeeyay kuwaaso kuwaaso kala ah simbba iyo kadernath hadda waxa ay u muuqata sara ali khan inay heshay mashruuceeda sadexaad

1 Comment

  1. CIWAANKA xoogaa malaga fiicneenoo no matter what waala aqrisanlahaa marka inaad CIWAANKA iyo sheekada islahaysiiso ayaa ilahaboon any ways thanx

Comments are closed.