Sara Ali Khan Waxay Dooneysa Ciwaanka Gurigeeda Inee Siiso Atooraha Bollywoodka Kujira Sido Kalena Ay Aqalkeda Kusoo Dhaweyso Hadii Uu Soo Booqan Lahaa!!

Saif Ali Khan Iyo Amrita Singh gabadhooda Sara Ali Khan ayaa sanadkaan tiyaatarada laga daawan doona dadkii oodhan ayaana hader la qabsadeen xidigtaan kadib markii la daawaday goos gooska filmeeda Kedarnath.

Inaba caadi ma aha jaceylka ay Sushant Singh shaashada kula sameeyneyso waxaad mooda atirisho waqti dheer fanka kujirtay inkastoo filmkeeda kowaad yahay aad ayaa loogu amaanay qurux ahaan, qaab jiliin ahaan iyo Dance-ga heerka sare ah ay soo bandhigeyso.

Sido kale waxaa xalay hawada lagu soo daayey xalqadeeda barnaamijka Koffe With Karan 6 ee ay aabahed kala soo muuqatay anagana maanta ayaan idiin soo turjumi doonna xalqadaas.

Hadaba Sara ayaa durba bilaawday xayeysiin usameynta filmkeeda Kedarnath waxaana wareysi ka qaadeen saxaafada mid kamid ah suaalihii la weydiyay waxaa kamid ahed wararka sheegaya inee dooneyso guurka Ranbir Kapoor kaaso ay kusheegtay Koffe With Karan waxayna markaan ku jawaabtay.

“Horey ayaan suaashan oga jawaabay Ranbir guurkisa waan doonaya balse waa iga kaftan oo Karan ayaa suaashas oga jawabay balse waa kaftan” kadib waxay bilaawday inee amaan kala duldhacdo atooraha Kartik Aryan.

Hadii Sara atoore Bollywoodka kujira uu soo jiitay waa Kartik Aryan maadama afkeeda magaciisa ka dhaaman la’yahay markii ay amaanta ka badisay ayuu suxufigii wareysanaayey u sheegay Sara inee sawirkeeda u dirto Kartik.

Maadama uu hadiyad qaas ah uu isaga horey ugu soo diray intii lagu guda jira Diwali-ga sidaa aawged Joornaalistaha waxuu sheegay inuu Kartik u diri doono sawirka Sara balse Sara ayaa soo booday oo tiri,”maya sawirkeyga ha udirin ee ciwaanka gurigeyga u dir si uu iisoo booqdo.”