Sawiro Horleh Iyo Quruxda Qasriga Lagu Jilay Filmka Kalank Oo Lasoo Bandhigay Blockbuster Ayaa Soo Socda!!

Waxaa maalinta barita ah lawada sugayaa goos gooska kooban ee filmka Kalank kaaso ay isugu imaade jilayaan badan misane ah mashruuc weyn oo in badan lagu tashanaayo inuu guul wacan gaaro.

Karan Johar ayaa horey usoo bandhigay kaartooyinka filmkaan iyo jilaa walba doorkisa filmk xili 12 Maarso oo bari ahna la filaayo in lasoo bandhigo goos gooska kooban ee mashruucan hadaba maanta sawiro horleh ayaa laga soo bandhigay filmkaan.

Varun Dhawan oo shaarkii dhigtay, Madhuri sii jeedkeda iyo jilayaasha kale inkastoo wajigooda si toos ah loo arkeynin hadana kaamerada dhabarkooda iyo muuqaalada goobta filmka lagu duubay waliba qasriga ayaa sawiro laga soo bandhigay.

Kalank waxaa qarash gareeynaayo Karan Johar halka Abhishek Varman uu Director ka yahay waxaana wada hogaaminayaan Varun Dhawan, Alia Bhatt, Madhuri Dixit, Sanjay Dutt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur 17 April 2019 ayaana la daawan doona fadlan hoos kaga bogo sawirada cusub mashruucan laga soo bandhigay.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*