SAWIRRO: Karan Johar oo 17 Kilo miisaankiisa ka riday, mudada ay ku qaadatay iyo atooraha kusoo xiray ninka tababarka siiyey

Karan Johar waa mid ka mid ah filim-agaasimeyaasha ugu wanaagsan Bollywood uguna guulaha badan.

Marwalba 46 sanno jirkaan Karan Johar ayaa wuxuu jecel yahay inuu si adag u shaqeeyo, waana sababta ka dambeysa inuu gaaro heerka uu maanta taagan yahay.

Director Karan Johar ayaana si sahal ah dadka u dareensiiyey inuu marwalba jecel yahay inuu si adag u shaqeeyo, maxaa yeelay wuxuu miisaankiisa ka riday 17 Kilogram muddo afar bilood ah gudahood.

Karan Johar ayaa wuxuu haatan kusoo baxay shaqsi jirdhisan. Aabaha dhalay Roohi Johar iyo Yash Johar ayaana wuxuu daaha ka qaaday in shaqsiga ka dambeeya inuu miisaankiisa dhimo uu yahay tababarihiisa gaarka ah Kunal Gir.

Waxaa xusid mudan inuu Kunal Gir sidoo kale tababarka jirdhiska siiyey Ranbir Kapoor si uu ugu muuqaal ekaado  Sanjay Dutt maadaama uu sameynayo filim looga hadlayo taariikh nololeedka Munna Bhai.

Ka dibna Ranbir ayaa Kunal ku xiray Karan kaasoo uu ka caawiyey inuu miisaankiisa ka dhimo 17 Kilo muddo afar bilood gudahood ah. Halkaan hoose ka daawo sawirro laga soo qaaday Kjo ka dib markii uu jirka dhistay.